Caweeska Wararka Radio Fabrik

13.07.2016

Barnaamijka maanta waxaa qeyb ka ah warka Caalamka oo aan kusoo qaadan doono, Austria oo dumineysa gurigii uu ku dhashay Hitler magaalada Braunau am Inn, Wasiirka arimaha dibada Austria oo ku tilmaamay Siyaasadaha magangalyada yurub in ay tahay mid guul dareysatay iyo John Drysdale oo ah nin u dhashay UK mudana ku noola Somaliland oo geeriyooday iyo madax ka tirsan Somaliland oo ka qeyb gashay aaskiisa. Barnaamijka sports-kana waxaan kusoo qaadan doonaa qodobo ay kamid yihiin Ronaldo oo dhaawac kaga maqnaanaya bilo garoomada. Dhaqaalaha iyo ganacsiga waxaan kusoo qaadan doona Siemens oo sheegtay in ay sii maal gashan doonto Britain inkastoo ay ka baxday suuqa dhaqaalaha midka ah ee Yurub, waxaa kaloo qeyb ka noqon doona barnaamijka shirikada Tata Steal oo sheegtay in ganacsiga birta caalamka uu nugul yahay. Barnaamijka caafimaadka sadaal waxaa qeyb ka ah qodobo ay kamid yihiin Dhibaatada caafimaad ee sigaarku u leeyahay bulshada, cudurada lasoo gudboonaada Soomalida qurbaha iyo cudurka Asaasaqa oo ku yaraanaya qaarada Yurub, Barnaamijka inta uu socdo waxaa dhex-taal u noqonaya heeso macaan oo ay ku luqeynayaan qaar ka tirsan hobolada Soomaaliyeed.

Sendereihe

Caweeska (Somali Prime Time Radio Program)

Zur Sendereihe Station

Radiofabrik

Zur Station
Thema:Gesundheit
Sprache: Somali
Teilen: