Caweeska (Somali Prime Time Radio Program)

24.08.2016 Barnaamijka caweeska wararka Radio Fabrik maanta waxaan kusoo qaadan doonaa qodobo ay kamid yihiin: Turkiga oo safiirkii ka fadhiyay Austria u yeertay iyo qodobo kale oo xiiso leh.   Barnaamijka ciyaaraha waxaan kusoo qaadan doonaa wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga iyo Usain Bolt oo sheegay inuu jeclaan lahaa inuu la kulo Ronaldo.   Barnaamijka ganacsiga waxaan kusoo qaadan doona shirikada daawooyinka Pfizer oo iibsatay Medivation, Soomalia oo ah boqorada caalamka ee xoolaha Nool iyo Chem China oo iibsatay Syngenta. Barnaamijka caafimaadka Saadaal gebi ahaan waxaan kusoo qaadan doonaa Cudurka macaanka, waxaana marti inooga ah maanta Dr, Abdijalil Omar Abdi oo ah aqoonayahay soomaliyeed oo ku nool halkaan Austria isla markaana bartay cilmiga Caafimaadka bulshada iyo quudinta Public Health and nutrition, Dr, Abdijalil wuxuu inoo sharaxi doona cudurka macaanka iyo inta uu qeybood ee uu leeyahay. Barnaamijka waxaa sidoo kale ka marneyn heeso xul ah.
Sendereihe

Caweeska (Somali Prime Time Radio Program)

Zur Sendereihe Station

Radiofabrik

Zur Station
Thema:Gesundheit
Sprache: Somali
Teilen: